PSG Oo Go’aamisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Kylian Mbappe Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan
Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa go’aamisay qiimaha ay ku
iibinayso xiddigeeda weerarka ee Kylian Mbappe oo ay soo baxayaan qodobbo ku
jiray qandaraaskiisii oo walaac gelinaya Nasse Al-Khaleifi, kaas oo sida
warbaahinta Faransiisku sheegtay go’aamiyey in la iibiyo xiddiga reer France.
Mbappe oo bishii May ee sannadkii hore saxeexay heshiis cusub oo saddex
sannadood ahaa ayaa waxa la ogaaday in heshiiskaasi uu ahaa laba sannadood oo
buuxa iyo midka saddexaad oo ah dookh go’aankiisa uu iska leeyahay Kylian
Mbappe, taas oo ka dhigan in sannad kali ahi ka hadhsan yahay heshiiska rasmi
ahaan ay PSG ugula jirto Kylian Mbappe.
Sida uu qoray wargeyska Fichajes, PSG ayaa waxay ka walaacsan tahay in
Kylian Mbappe uu si xor ah uga tegi doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe
maadaama sannadka saddexaad ee dookha ah uu isaga gacanta ugu jiro oo haddii uu
doono uu diidi karayo.
Warka ayaa intaa ku daray, in PSG ay doonayso inay iibiso
gool-dhaliyaheeda iyadoo iclaamisay qiimaha kama dambaysta ah ee ay ku iibin
doonto marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga foodda inagu soo haya,
waqtigaas oo uu sannad ka hadhsanaan doono heshiiskii labada sannadood ahaa uu
xiddigani u saxeexay.
Kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo Liverpool ayaa si aad ah
loola xidhiidhinayaa Kylian Mbappe, iyadoo Florentino Perez uu u doonayo inuu
ka dhigto beddelka Karim Benzema oo ay da’diisu tahay 35 jir, xilli
ciyaareedkanna uu heerkiisu hoos u dhacay.
Laakiin kooxaha uu hungurigu kahayo Kylian Mbappe ayaa waxa caqabad ku noqon doona lacagta ay dalbanayso PSG oo ah €200 milyan oo Euro.
Comments