SAADAASHA Sky Sports Ee PL Toddobaadkan, Kooxda Weyn Ee Lagu Dhagayo & Liverpool v Man United
by:Mohamed Caddan
Jones Knows oo ah shaqsiga saadaalinta u qaabilsan Sky Sports ayaa
dhiibtay aragtida uu ka qabo kulamada Premier League ee toddobaadkan oo la
dheelayo wareegii 26-aad.
Kulanka ugu horreeya ayuu kaga yaabsaday kooxda rajada ka qabta
difaacashada horyaalka ee Man City isagoo u rajeeyay inay barbardhac Etihad
Stadium kagala kulmi doonaan Newcastle United.
Bedelka City, Jones ayaa guul ay hoggaanka kusii dheeraysato u rajeeyay
kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal oo qaabilaysa Bournemouth.
Chelsea ayaa natiijo naxdin ku ah tababaraha caydhinta qarka u saaran ee
Graham Potter u rajeeyay Chelsea oo uu qabo inay Stamford Bridge barbardhac
kula galayso Leeds United.
Mr Knows ayaa si lamid ah Chelsea iyo City ina dhibco lumiso u
saadaaliyay kooxda Tottenham oo booqanaysa Wolves iyo tababare Julien Lopetegui.
Kulanka ugu weyn toddobaadka ee Liverpool v Man United ayuu guusha u rajeeyay Liverpool oo xilli ciyaareed adag qaadanaysa isagoo qaba in xiddigaha Manchester daalan yihiin maadaama ay saddex maalmood oo kasta kulan ciyaarayeen tan iyo Koobkii aduunka.
Saadaasha
Oo Dhammaystiran
Man City 0-0 Newcastle United
Arsenal 3-1 Bournemouth
Aston Villa 1-2 Crystal Palace
Brighton 1-2 West Ham
Chelsea 0-0 Leeds
Wolves 1-1 Tottenham
Southampton 1-2 Leicester City
Nottingham 1-1 Everton
Liverpool 2-1 Man United
Brentford 2-0 Fulham
Comments