SADDEXDA Arrimood Ee Real Madrid U Suurtogelin Doona Inay Si Fudud U Garaacdo Barcelona Kulankooda Caawa

 by:Mohamed Caddan


Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku martigelin doonta kooxda xafiiltanka weyni ka dhaxeeyo ee Barcelona, waana lugta hore ee semi-finalka tartanka Copa del Rey, iyadoo ciyaarta xigtana ay isla tegi doonaan Camp Nou horraanta bisha dambe.

Wiilasha tababare Carlo Ancelotti ayaa wareegii siddeeddii waxay 3-1 kusoo karbaasheen Atletico Madrid halka Barcelon a y guul 1-0 ah kasoo gaadhay Real Sociedad, balse isku-aadkii ayaa isku beegay taas oo ka dhigan in midkood ay finalak tegi doono.

Taariikh ahaan, xafiiltan badan ayaa ka dhexeeya labadan kooxood waxaanay ku suntan yihiin dagaal aan waxba la iskula hadhin iyo cadaawad qarni soo jirtay.

Lugta hore ee caawa la ciyaarayo, waxay warbaahinta ciyaaruhu saadaalinaysaa in ay gacanta sare yeelan doonto Real Madrid oo guul gaadhi doonta, waxaana sabab looga dhigayaa saddex arrimood oo tixgelintooda leh, laakiin ciyaarta labaad ee Camp Nou ay u badan tahay inay meesha ka bixi doonaan.

Arrinta koowaad ayaa waxay tahay, in Barcelona uu dhaawac kaga maqan yahay weeraryahankooda Robert Lewandowski oo xilli ciyaareedkan socda u dhaliyey 25 gool 31 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu dheelay, waxaanu hoggaaminayaa gool-dhalinta horyaalka LaLiga.

Dhaawac ayaa muruqa kasoo gaadhay ciyaartii guul-darrada ee Almeria ee Axaddii waxana uu maqnaan doonaa laba toddobaad, ciyaarta caawana si weyn ayaa loo tebi doonaa.

Maqnaanshaha ayay ku wehelinayaan Ousmane Dembele oo xilli ciyaareed fiican isaga oo ku jira uu dhaawac soo gaahday, isla markaana afar toddobaad loo diray, taas oo sii diciifinaysa weerarkii halista ahaa ee Barcelona.

Arrinta labaad ayaa waxayy tahay weerarka Real Mdrid oo ku jira qaab-ciyaareed fiican, iyadoo saddexda afka hore ee Karim Benzema, Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ay isku-darkooda dhaliyeen 46 gool xilli ciyaareedkan socda.

Booskan ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha ay Real Madrid kaga wanaagsan tahay Barcelona kulankan, maadaama dhaliyeyaashii uu Xavi Hernandez ku xisaabtamayay ay dhaawacyo ku maqan yihiin.

Qodobka saddexaad oo ah kan ugu muhiimsan waa qaabka fiican ee ay ku jirto Real Madrid, gaar ahaan kulamada garoonkeeda oo xilli ciyaareedkan socda aan halmarna lagaga badin.

Bernabeu ayay jamaahiirta Real Madrid usoo biixin doonaan si ay u garab istagaan kooxdooda, halka Brcelon uu culaysku ka saaran yahay martinimada iyo xiddigaha ka maqan, sida Pedri, Dembele iyo Lewandowski.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?