Saddexdii Qalad Ee Halista Geliyey Arsenal Ee Uu Sameeyey Mikel Arteta Iyo Tallaabadii Waqtiga Dambe Ee Badbaadisay Gunners
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul layaableh ka gaadhay Bournemouth
oo ay 3-2 ku garaacday iyadoo mar lagu hoggaaminayey laba gool iyo waxba oo ay
jamaahiirta Gunners argagaxsanaayeen.
Tababare Mikel Arteta ayaa sameeyey qaladaad waaweyn oo halis geliyey
kooxdiisa oo ka galaafan gaadhay laba dhibcood ciyaartii ay Bournemouth ku
martigeliyeen Emirates Stadium, balse waxa la baxsaday Thomas Partey, Ben White
iyo Reiss Nelson oo qaybtii dambe min hal gool dhaliyey.
Toban ilbidhiqsi oo kaliya ciyaarta oo socota ayaa Arsenal uu gool kaga
nixiyey Philip Billing oo dhaliyey goolkii labaad ee ugu degdegga badnaa
taariikhda horyaalka Premier League, mid labaadna waxa ku daray Marcos Senesi,
hase yeeshee garsoore Chris Kavanagh ayaa Gunners laba jeer rikoodheyaal ka
diiday labadii qaybood ee ciyaarta oo ay kubaddu gacanta kaga dhacday
difaacyahannada kooxda martida ahayd.
Qaladka koowaad ee uu tababare Mikel Arteta sameeyey ayaa waxa uu ahaa
in difaacyahannada kooxdiisu aanay ahayn kuwo u diyaarsan weerar lagu soo qaado
daqiiqaddii koowaad, waxaana uu ka illoobay dardaaranka la xidhiidha taatikada
iyo xeeladaha Bournemouth.
In ilbidhiqsigii tobnaad laga dhaliyo gool ma aha dembi laga saamixi
karayo Arsenal, waxaanay ahayd inay hore uga taxadaraan sababtoo ah Bournemouth
marar badan ayey isku dayday inay sidan oo kale samayso.
Arrinta labaad ee uu ku qaldanaa Mikel Arteta ayaa ahayd isbeddel badan
oo uu sameeyey ciyaartan, waxaana isaga oo dhayalsanaya Bournemouth uu
fadhiisiyey ciyaartoydiisa muhiimka ah ee Granit Xhaka iyo Ben White
halka uu kusoo bilaabay Fabio Vieira iyo Takehiro Tomiyasu.
Labada ciyaartoy ee fadhiyey waxay kooxda kusoo kordhiyan tayo iyo
khibrad marka loo eego labada lagu beddelay oo horyaalka Premier League xilli
ciyaareedkani ugu horreeyo.
Labada ciyaartoy ee fadhiyey waxay kooxda kusoo kordhiyan tayo iyo
khibrad marka loo eego labada lagu beddelay oo horyaalka Premier League xilli
ciyaareedkani ugu horreeyo.
Tomiyasu ayaa sidan oo kale ugu soo biloday ciyaartii Manchester City oo
uu ku haftay, isla markaana sameeyey qalad gool lagaga dhaliyey, maantana sidii
oo kale ayaa dhacday waxaanay Bournemouth kasoo galaysay booskiisa halka
weerarkiisuna uu liitay.
Markii uu White soo galay waxa uu la shaqeeyey Bukayo Saka oo ay wada
abuureen weerar halis ah, iyadoo uu ka dejiyey culayskii sida gaarka ah ugu dhacayey
Saka.
Arrinta kaliya ee uu ku saxsanaa Arteta ayaa ahayd beddelkii aqtiga
dambe uu sameeyey ee uu kusoo geliyey Reiss Nelson iyo Ben White oo sabab u
noqday guusha kooxdooda.
White ayaa helay kubbad uu dhinaca midig kasoo tuuray Nelson, waxaanu ku
hubsaday shabaqa ka hor intii aanu xiddiga da’da yar ee Reiss Nelson goolka
guusha raacinin daqiiqaddii ugu dambaysay waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu
daray ciyaarta.
Comments