“Talaabo Kale Ayuu Hore U Qaaday!!” – Ten Hag Oo Laacib Man United Ah Ku Amaanay Guushii West Ham

 by:Mohamed Caddan


Macalinka kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa amaan ugu qubeeyay da’yarka kooxdiisa ee Alejandro Garnacho oo xalay markale wacdarro dhigay kulankii FA Cup ee West Ham.

Hammers oo Old Trafford marti ku ahaa ayaa ku hormaray gool ay ka heleen Said Benrahma balse Red Devils ayaa kaga soo kabtay gool uu si qaldan iskaga dhaliyay Nayef Aguerd iyo laba gool oo ay raaciyeen Alejandro Garnacho iyo Fred

Ten Hag oo kulanka kaddib ka hadlay Garnacho oo wacdarro dhigay ciyaartaas ayaa sheegay inuu talaabo kale 18 sano jirkaas hore u qaaday iyo wixii uu ku yidhi kahor kulanka.

“Maanta waxaan arkaa talaabo kale, waxaan u sheegay kulanka kahor ‘Waa wakhtigii aad saamaynta lahayd markaad bedel kusoo gasho kulanka balse hadda waxaad u baahantahay inaad saamayn yeelato adigoo kusoo bilaabanaya”.

“Waxaan filayaa inuu awoodo sidaas darteed taasi waa talaabada xigta ee ay tahay inuu qaado. Midaasi (Cabsi la’aantiisa) waa mid kamida xirfadihiisa, waa xirfad weyn marka aanad cabsanayn, marka aad geesi tahay”

Ten Hag ayaa amaanay xiddigo kale oo kooxdiisa ah waxaana uu yidhi “Harry (Maguire) wuxuu qaatay kulan wanaagsan, Malacia, Sabitzer iyo dabcan Garnacho gaar ahaan qaybtii labaad”.

Garnacho ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa kulankaas oo u ahaa midkiisii tobnaad ee uu kusoo bilawday waayihiisa Man United.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?