Toddoba Sababood Oo Aanay Arsenal Ugu Guuleysanayn Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyey

 by:Mohamed Caddan


Inkasta oo ay shan dhibcood oo nadiif ah ku hayso hoggaanka horyaalka Premier League, haddana kuma guuleysan doonaan horyaalka waxaana ka hor istaagaya toddoba arrimood oo uu taxay halyeyga Manchester United ee Gary Neville.

Gunners oo xalay 4-0 ku garaacday Everton, ayaa waxay hadda shan dhibcood ka horreeyaan Manchester City oo kaalinta labaad fadhida, iyaga oo dib usoo ceshaday farqi ay hore iskaga lumiyeen.

Garu Neville oo u warramayay warbaahinta The Overlap, ayaa waxa uu sheegay in aanay suurtogal u noqon doonin Arsenal, in ay soo afjaraan abaarto horyaal la’aanta ah ee 19 sannadood maraysa, waxaana ka sare mari doonta Manchester City.

Neville oo sharraxaya toddobada sababood ee aanay Arsenal horyaalka ugu guuleysan doonin ayaa yidhi: “Arsenal way dhibaatootaa qaybaha dambe ee xilli-ciyaareedyada, waxaana tusaale inoogu filan xilli ciyaareedkii hore.

“Tani waa sababta ay Manchester City ugu guuleysan doonto horyaalka Premier League, sababtoo ah marka ay tobanka ciyaarood ee ugu dambeeya waxay Arsenal bilaabi doontaa inay naxdo, waxa ku bilaaban doona walaac, cadaadiskuna wuu ku kordhi doonaa.

‘Ciyaarista Europa League iyo suurtogalnimada safarrrada Khamiisaha aya iyaduna dhibaato ku noqonaya maadaama ay Axadda dheelayan, qof walbaana wuu kusoo eegayyaa.

Marxaladdan oo kale, Arsenal way isku dhax yaaci doontaa.

Haddiiba ay ku guuleysato horyaalkaa, waxay Arsenal u noqon doontaa guul aan la rumaysan karin, laakiin isku meel ma taagna Man City.

“Marka la gaadho tobanka ciyaarood ee ugu dambeeyey, De Bruyne, Haaland, Dias, Gundogan, Bernardo Silva iyo Kyle Walker ayaa hore u riixi doona kooxdooda.” 

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?