WAR LA SUGAYAY: Haddii Uu Ronald Araujo Seegayo Kulanka Clasico Kaddib Casaankiisii Xalay
Waxa xog laga helay kaadh casaankii uu daafaca dhexe ee Barcelona ee
Ronald Araujo qaatay kulankii xalay ay guusha ka gaadheen Valencia iyo tirada
kulamada uu maqnaanayo.
Barcelona ayaa kulan kaddib la ballansan kooxda xifaaltanka weyni kala
dhaxeeyo ee Real Madrid lugta labaad ee afar dhammaadka Copa Del Rey iyadoo
labada dhinacba kulankaasi koob ka saamayn karo.
Barcelona ayaa lugtii hore ee ka dhacday Santiago Bernabey 1-0 kusoo
badisay gacanta sarrena leh balse xiddigaha tababare Carlo Ancelotti ayaan
ahayn kuwo wali meesha laga saari karo.
Barcelona ayaa xalay guul kale oo 1-0 ah ka gaadhay Valencia oo marti
ugu ahayd Camp Nou iyagoo sagaal dhibcood hoggaanka La Liga kaga haya Madrid oo
barbardhac la dhaafi wayday Real Betis.
Hadal haynta ugu badan ee kulankaas ay guusha ka gaadheen Valencia ayaa
ahayd in Ronald Araujo uu kaadh casaan qaatay daqiiqadii 59-aad ee qaybtii
dambe.
Waxa jirtay hadal hayn ah in ganaax laba kulan ah gadhka loo galin karo
balse warka culayska ka dajiyay taageerayaasha Blaugrana ayaa ah inuu hal kulan
seegayo oo diyaar u yahay lugta labaad ee Clasico.
Kulanka uu Ronald ka maqnaan doono Barcelona ayaan ahayn mid sahlan
maadaama ay Athletic Bilbao booqanayaan.
Comments