Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Khamiis Ah

 by:Mohamed Caddan




Manchester City ayaa u tartamaysa saxeexa Declan Rice haddii West Ham diyaar u tahay inay fasaxdo kabtankeeda 100-ka Milyan ee pound lagu qiimeeyo. (Teamtalk)

Rice ayaa loo arkaa inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee Arsenal xagaaga. (Times – subscription required)

Real Madrid ayaa indho indhaynaysa khadka dhexe ee Newcastle ee Bruno Guimaraes. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Luis Enrique, tababarihii hore ee xulka Spain ayaa lala xidhiidhinayaa Chelsea xilli cadaadisku kusii kordhayo Graham Potter. (Sport)

Mustaqbalka Bernardo Silva ee Man City ayaan markale caddayn, 28 sano jirkaas oo wali Barcelona xiisaynayso ayaa xagaaga bixitaan diyaar u ah haddii la fasaxo. (Sport – in Spanish)

Houssem Aouar ayaa diiday dalab uu ka helay Man United isla markaana aqbalay heshiis uu xagaaga xor ugu biirayo kooxda ree Germany ee Frankfurt. (Express)

Napoli ayaa doonaysa inay heshiis cusub oo ilaa 2028 ka saxeexato Khvicha Kvaratskhelia oo Chelsea iyo Newcastle lala xidhiidhinayay. (Gazzetta dello Sport)

Inter Milan ayaa xiisaynaysa goolhayaha Newcastle United ee Loris Karius. (FC Inter News, via Caught Offside)

Steven Gerrard ayaa xiiso ka helaya PSG iyadoo ay jirto suurogalnimo uu ku bedeli karo Christophe Galtier. (Scottish Daily Express)

Wakiilka Raheem Sterling ayaa sheegay in 28 sano jirkaasi uusan doonayn inuu ka tago xagaaga Blues. (Sky Sports)

Eric Maxim Choupo-Moting ayaa heshiis cusub oo hal sano ah la gaadhay Bayern Munich, 33 sano jirkaas ayaa Tottenham iyo Man United lala xidhiidhinayay. (Sky Sport Germany)

West Ham ayaa ku biirtay tartanka 19 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Bristol ee Alex Scot oo 25 Milyan oo pound lagu qiimeeyo, waxa hore u doonayay Newcastle, Leeds, Tottenham iyo Wolves. (Mail)

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?