WARKII LA SUGAYEY: Sergio Busquets Oo Go’aankii La Sugayey Ka Gaadhay Barcelona
by:Mohamed Caddan
Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ee Sergio Busquets ayaa gaadhay
go’aankii mustaqbalkiisa ee muddada laga sugayay, waxaana uu ku wargeliyey Xavi
Hernandez iyo Joan Laporta in uu shandaddiisa xidh-xidhan doono marka uu
dhamaado xilli ciyaareedkan socda.
Sergio Busquets oo ay da’diisu tahay 34 jir, walina xubin muhiim ah ka
ah kooxdiisa oo uu 29 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah u saftay xilli
ciyaareedkan, ayaa waxa uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli
ciyaareedkan.
Kooxdiisa ayaa doonaysa inuu sii joogo sannad kale, laakiin waxa uu
Sergio Busquets ku adkaystay in uu ka tegi doono Camp Nou marka uu dhamaado
xilli ciyaareedkan soda, sid uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa
waddanka Spain.
Warka yaa intaa ku daray, in laacibkani uu warkiisa u caddeeyey Joan
Laporta iyo Xavi oo ay si toos ah u kulmeen, taas oo ku qasbaysa Blaugrana inay
suuqa iibka ciyaartoyd ee xagaaga ay la saxeexato kubbad-burburiye dabiici ah.
Tababare Xavi oo dhowaan la hadlayay wariyeyaasha ayaa sheegay in ay si
wada jir ah u shaqaynayaan oo ay isku dayayaan inay ku qanciyaan Busquets inuu
sii joogo, laakiin go’aanka iyo waxa uu yeelayo ay u taallo ciyaartoyda
maadaama uu qandaraaskiisu dhamaad yahay.
Kooxda horyaalka Maraykanka ee Inter Miami ayaa si aad ah loola
xidhiidhinayaa, hase yeeshee waxa kale oo iyaguna jira dalabyo ka imanaya
waddanka Sucuudiga.
Sergio Busquets oo kulankiisii koowaad u saftay Barcelona sanndkii 2008, ayaa waxa uu illaa hadda u dheelay 709 kulan taas oo ka dhigaysa inuu yahay ciyaartoyga saddexaad ee kulamadii ugu badnaa u ciyaaray Barcelona, waxaana kaliya ka horreeya Lionel Messi oo 778 ciyaarood u saftay iyo Xavi Hernandez oo 767 ciyaarood dheelay.
Comments