Zinedine Zidane iyo Luis Enrique Oo Kusii Jeeda Horyaalka Premier League
by: Mohamed Caddan
Tababarihii hore ee kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane
iyo macallinkii xulka Spain dhowaanta iska casilay ee Luis Enrique ayaa kusoo
baxay liiska musharaxiinta u tartamaya beddelka tababaraha Chelsea ee Graham
Potter oo la sheegay in maamulku diyaarinayaan warqaddiisa shaqo ka caydhinta.
Potter oo 47 jir ah ayaanay kooxdiisu wax guul ah gaadhin lixdii
ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana kaga sii daran in 11kii kulan ee u
dambeeyey ay hal mar oo kaliya guul heleen.
Blues oo suuqii January kharash garaysay in ka badan £330 milyan
oo Gini oo ay ciyaartooyo cusub kusoo iibsatay, isla markaana jabisay rikoodhka
horyaalka Premier League ee suuqii xagaagii oo ay xiddigo cusub kusoo iibsatay
in badan £300 milyan oo Gini, ayay haddana guushu ku adkaatay, waxaanay
fadhiyaan kaalintda tobnaad ee miiska kala-sarraynta.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, guul-darro ay Chelsea kala
kulantay Leeds United iyo Borussia Dortmund oo ah labada ciyaarood ee
toddobaadkan foodda inagu soo haya ay dheeli doonaan, ayaa waxay sababi doontaa
in Graham Potter laga caydhiyo shaqadii uu shan bilood ka hor ka beddelay
Thomas Tuchel.
Wargeyska Sport ayaa isaguna saaka qoray, in Zinedine Zidane iyo Luis
Enrique ay yihiin tartameyaasha safka hore ee shaqada Chelsea, laakiin kalidood
kuma aha waxaana sidoo kale la hadal-haya sida Mauricio Pochettino.
Zidane oo 50 jir ah ayaan wax shaqo ah qabanin tan iyo dhamaadka
xilli ciyaareedkii 2020/21 oo uu iska casilay Real Madrid, waxaana hore loola
xidhiidhinayay xulka qaranka France oo qandaraas cusub oo soconaya illa a2026
siiyey Didier Deschamps.
Comments