Shaxaha Rasmiga Ah Ee Athletic Bilbao vs Barcelona – Xiddigo Muhiim Ah Oo Usoo Laabtay Barca
Garoonka San Mamés ayaa martigelinaya kulan adag oo ay Athletic Bilbao iyo
Barcelona ciddiyaha ku dagaallami doonaan, iyadoo tababare Xavi Hernandez uu
dib u helay qaar ka mid ah ciyaartoydii dhaawca kaga maqnaa.
Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa kusoo bilowday afka
hore ee weerarka, laakiin waxa ganaax ku maqan difaaca reer Uruguay ee Ronald
Araujo oo casaan toos ah la siiyey kulankii ay guusha cidhiidhiga ah ka
gaadheen ciyaartii Valencia.
Lewandowski ayay weerarka ku wehelinayaan Ferran Torres iyo Raphinha,
halka Gavi dib loogu celiyey khadka dhexe kulamo uu weerarka caawinayay kddib,
waxaana uu ka garab ciyaarayaa Sergio Busquets iyo Frenkie de Jong.
Andreas Christensen oo bandhig fiican samaynayaa ayaa difaaca dhexe kula
soo bilowday Jules Kounde, halka Sergi Roberto loo celiyey difaaca midig
maqnaanshaha Araujo awgeed.
Shaxaha
rasmiga ah ee labada kooxood
BARCELONA XI: Ter Stegen; Roberto, Kounde, Christensen, Alba; De
Jong, Busquets, Gavi; Raphinha, Lewandowski, Ferran
Kaydka: Peña (GK), Tenas (GK), Eric, Alonso, Alba, Kessie,
Torre, Alarcón, Fati
ATHLETIC
BILBAO XI: Agirrezabala; De Marcos, Vivian, Martínez, Balenziaga;
García, Vesga; Williams, García, Berenguer; Williams
Kaydka: Iruarrizaga (GK), Yeray, Yuri, Capa, Paredes, Vencedor, Zarraga, Muniain, Guruzeta
Comments