Shaxaha Rasmiga Ah Ee Athletic Bilbao vs Barcelona – Xiddigo Muhiim Ah Oo Usoo Laabtay Barca



Garoonka San Mamés ayaa martigelinaya kulan adag oo ay Athletic Bilbao iyo Barcelona ciddiyaha ku dagaallami doonaan, iyadoo tababare Xavi Hernandez uu dib u helay qaar ka mid ah ciyaartoydii dhaawca kaga maqnaa.

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa kusoo bilowday afka hore ee weerarka, laakiin waxa ganaax ku maqan difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo oo casaan toos ah la siiyey kulankii ay guusha cidhiidhiga ah ka gaadheen ciyaartii Valencia.

Lewandowski ayay weerarka ku wehelinayaan Ferran Torres iyo Raphinha, halka Gavi dib loogu celiyey khadka dhexe kulamo uu weerarka caawinayay kddib, waxaana uu ka garab ciyaarayaa Sergio Busquets iyo Frenkie de Jong.

Andreas Christensen oo bandhig fiican samaynayaa ayaa difaaca dhexe kula soo bilowday Jules Kounde, halka Sergi Roberto loo celiyey difaaca midig maqnaanshaha Araujo awgeed.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

BARCELONA XI: Ter Stegen; Roberto, Kounde, Christensen, Alba; De Jong, Busquets, Gavi; Raphinha, Lewandowski, Ferran

Kaydka: Peña (GK), Tenas (GK), Eric, Alonso, Alba, Kessie, Torre, Alarcón, Fati

ATHLETIC BILBAO XI: Agirrezabala; De Marcos, Vivian, Martínez, Balenziaga; García, Vesga; Williams, García, Berenguer; Williams

Kaydka: Iruarrizaga (GK), Yeray, Yuri, Capa, Paredes, Vencedor, Zarraga, Muniain, Guruzeta

Comments

Popular posts from this blog

Maxaa loo diiday in janaaso lagu tukado marxuum ku geeriyooday Muqdisho

Chelsea Oo Soo Afjartay Guulo La’aantii LIXDA Ciyaarood Ee Xidhiidhka Ahaa, Xilli Uu Fofana La Baxsaday Graham Potter

Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Xasuuqii Manchester United Ka Soo Gaaray Liverpool?